Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kula kulmay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Maxamed Nuur Macalin.
Kulanka oo casho iyo kala warqaadashaba isugu jiray ayaa waxay kaga hadleen Doorashada Senatorada Aqalka Sare, oo maalmaha soo socdo lagu wado inay ka dhacdo magaaladaasi.
Madaxweynaha ayaa bartiisa xiriirka dadweynaha soo dhigay qoraal u qornaa “Waxaan kulan isugu jiray casha sharaf iyo kala warqaadasho aan la qaatay Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.”
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Guddiyada Doorashooyinka Hirgelinta Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed u gudbiyay liiska toban musharax, oo ku tartami doona shan ka mida kuraasta Koonfur Galbeed ee Aqalka Sare.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka
previous post