Kursiga 4aad Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee ka socoto Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku soo baxay Maxamuud Maxamed Cabdinuur, oo ka adkaaday musharax Nuur Baabul Caddow.
Maxamuud Maxamed Cabdinuur ayaa helay 76 cod, halka Nuur Baabul Caddow uu helay 9 cod oo keliya.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in 5 cod xumaadeen, 90 Xildhibaan oo wax dooraneysay.
Maxamuud Maxamed ayaa noqonaya Senatorkii 4aad ee maanta lagu doorto Magaalada Baydhabo.
Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa haatan guda gelaaya Doorashada kursigii 5aad, shan Senator oo maanta lagu dooranayo magaaladaasi.