Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roble ayaa hambalyo u diray Senatorada maanta la doortay ee Aqalka Sare ee BFS ku matalaya Somaliland.
Doorashada shanta kursi ee kamid ahaa 11 kursi ee gobolada Waqooyi ee dalka oo ka socotay magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay dadka kala ah.
2. Axmed Maxamed Siciid
3. Naciima Xasan Xaaji
4. Saciid Cabdi Xuseen Cowke
5. Abwaan Axmed Ibraahim Maxamed Qorane
Sidaas waxaa ku soo gabagaboobay doorashada aqalka sare ee Soomaaliland, sida uu ku dhawaaqay guddiga maamulaya doorashada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in doorashadii Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi ku soo idlaatay guul.
Waxaan hambalyo iyo ammaan u jeedinayaa ergooyinkii wax doortay iyo guddiyada doorashada ee sida hufan ee xilkasnimada leh doorashada u maamulay.