Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shaaciyay liiska musharaxiinta ku tartameysa afarta kursi ee ka dhinaaa aqalka sare.
Labo kursi oo ka mid ah kuraastan lagu tartamayo ayaa waxaa ku tartamaya haween kaliya.
Hase yeeshee illaa hadda lama shaacin xilliga ay dhacayso doorashada afartan kursi.
Haddii ay doorashadan dhacdo ayaa waxaa kaliya ka dhiman kuraasta Aqalka Sare labo kursi oo laga soo doorto Galmudug.