Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah written by Warsan Radio 17/03/2022 Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin deganka Bariire oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Uganda & agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay wallow wararka qaar ay sheegayaan in uu jiro khasaaro dhaawac ah oo ka dhashay.Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay inay madaafiicda ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Uganda, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Uganda dhankooda ay weerarka madaafiicda ah ka jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,Isla markaana howlaha isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan. Saldhig ku yaala Shabeellaha Hoose oo lagu qaaday Weerar madaafiic ah was last modified: March 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dagaalka Ukraine iyo Wararkii ugu dambeeyay next post Mareykanka oo kordhiyey tirada madaxda Soomaalida ee uu xayiraadda kusoo rogey You may also like DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 09/06/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/05/2022 DHAGEYSO:-BARNAMIJKA KULANKA WARSAN 11/07/2018 Sweden: Daawo waraysi aan la yeelanay Bahja Badbaadiso 07/08/2018 Shirkadda Twitter-Ka Oo Hawada Ka Saartay Cinwaankii Trump Iyo Sababta 09/01/2021 Dhul gariir khasaaro geystay oo ka dhacay dalka Tanzania 09/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/06/2020 Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta go,aan ka gaari doona Miisaaniyadda dowladda 30/06/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/09/2021 Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti, 17/08/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.