Farmaajo & Xoghayaha QM oo ka wada hadlay doorashooyinka & Amniga written by Warsan Radio 12/04/2022 Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS.Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ka wada hadlay in la dedejiyo hannaanka doorashada ee Soomaaliya, isaga oo xoghayaha guud uu sheegay inuu rajaynayo in si degdeg ah loo soo gebagebeeyo geedi-socodka doorashada iyo in arrimaha taagan lagu dhammeeyo wada hadal.Xoghayaha guud ayaa la wadaagay madaxweyne Farmaajo, sida uu u garab taagan yahay Soomaaliya gaar ahaan xilligan ay sare u kaceen weerarada ururka Al-Shabaab iyo abaaraha daran ee Soomaaliya ka jira.Xoghayaha guud ayaa sidoo kale muujiyey sida uu u taageersan yahay hawlgalka cusub ee Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS, isaga oo Soomaaliya u rajeeyey inay awood u yeelato inay si buuxda ula wareegto amnigeeda. Farmaajo & Xoghayaha QM oo ka wada hadlay doorashooyinka & Amniga was last modified: April 12th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Xukuumadda Somalia oo Ciidamada uga digtay inay ku milmaan Siyaasadda next post Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle oo Ciidamada ugu baaqay ka hortegida weerarada Al-Shabaab You may also like Madaxa CIA William Burns oo la kulmay Hoggaamiyaha Taliban Baradar 24/08/2021 Dhagayso:- barnaamijka tartan aqooneedka warbaahinta warsan 23/03/2024 Weeraro ballaaran oo lagu qaaday magaalooyin ka tirsan Sacuudiga 20/03/2022 Dhageyso:- Wareysi Gudoomiyaha Golaha malaaqyada Gobolka Bakool Cali Aadan Wiir ayaa u sheegay 09/09/2017 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 20AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 07/12/2017 DHAGEYSO:WARKA HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 23-10-2016 29/10/2016 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 23/08/2022 Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Saldhiga Af-urur oo kordhay 27/03/2022 Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah 29/10/2021 Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay dooda Baarlamaanka ee Heshiiskii Berbera iyo DP World oo laga mamnuucayo dalka 12/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.