Guddoomiyaha Cusub ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur ) Madoobe) ayaa shaaciyay in uu bilaabi doono qorsho cadaalad loogu raadinayo Xildhibaan Aamino Maamed oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaai kudaray in Xildhibaan Aamino ay aheyd qof codkar ah oo markii ay hadleyso ay Xildhibaannada qadarin jireen si ay u dhageystaan khudbadeeda, isla markaana markii uu soo gaaray weerarka lagu dilay ay aad uga naxeen.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo khudbad ka jeedinayay Kulan loogu duceynayay Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Aamino wuxuu sheegay in dilkeeda uu ahaa mid si ku talogal ah loo fuliyay, isla markaana si cadaawad ah loo dilay si aysan u noolaana tiro laba jeer ah qaraxyo lagu weeraray.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Cusub ee golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ) Madoobe) wuxuu sheegay in dadkii qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilkii Xildhibaan Aamino Maxamed ay yihiin kuwo khasaaray.
Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Cusub ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur ) Madoobe) ayaa kusoo beegmaya xilli Maalinta Berito ah Magaalada Jowhar lagu qabanayo doorashada kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed ee Hop#135