Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo written by Warsan Radio 31/05/2022 Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan.Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno katirsan labada Golle ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen) Xubno katirsan labada Golle ee dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxyooyada Soomaaliya & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xafiga ka jaraya dib u dhis lagu sameeyay qeyb kamid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed.Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka.Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku tagayo dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana safarkaan midka xiga uu noqon doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray next post Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar You may also like Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 10/04/2021 Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibbada Ruushka Sergey Lavrov 12/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/01/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/10/2021 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/11/2018 Xuseen Maxamed Daahir oo noqday Senatorkii 5aad ee Baydhabo lagu doorto 02/08/2021 Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo gaaray Garowe 15/07/2020 Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada 17/08/2020 Somaliland oo gacanta kusoo dhigtay Nin aabbihiis Dil u geystay 02/03/2024 Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horeysay bixisay shatiga lacagaha la’isugu diro taleefoonada Gacanta 27/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.