Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar written by Warsan Radio 31/05/2022 Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.Aboul Fotouh, oo ku jira da’da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xaalado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go’aanka maxkamadda.Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kumannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkamadeyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn.Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay doorka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xisbiga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii.Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dambe ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran. Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo next post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Sacuudiga? You may also like Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Safiirka kenya ee muddo xileedkiisa dhamaaday 07/08/2022 Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay in la garab istaago Pakistan. 10/09/2022 Midowga Yurub oo cunaqabateyn ugu hanjabay Dowladda Lubnaan 20/06/2021 Dhallinyaradii lagu afduubay Magaalada Beledweyne oo la sii daayay 06/09/2021 Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab 25/06/2022 AKHRISO:-Masar oo xirtay dhaqaatiir ka ganacsada xubnaha jirka 07/12/2016 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 10/09/2017 International partners welcome agreement between the Federal Government and ASWJ 13/12/2019 Dowladda Sudan oo u yeedhatay safiirkeedii Itoobbiya 31/05/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.