Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka lagu guuleystay in ay dib xorriyadooda u helaan saddexdii nin ee dhallinyarada ahayd, ee Jimcihii kiiska Ikraan Tahliil Faarax loogu afduubay magaaladaasi.
Dhallinyaradan ayaa lagu sii daayay dadaalo ay sameeyeen Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degamada, Odayaasha Dhaqanka iyo aqoonyahanada gobolkaasi.
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu sii daayay dhallinyaradaasi.
“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen Odayaasha Dhaqanka, masuuliinta iyo aqoonyahanada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guuleystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay Degmada Beledweyne, iyaga oo bad qaba. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah. Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan deris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada degan Degmada Beledweyne.” Ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.