Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay written by Warsan Radio 01/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kaas oo ay kaga hadleen waxyaabihii keenay khilaafkii dhexmaray.Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in in labada mas’uul ay kulankooda uu ahaa mid lagu dhammaystiray xallinta khilaafkii u dhexeeyay muddooyinkii dambe ayna ka Shaqeeyeen Isimada iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Puntland.Illo ku dhow dhow kulanka ayaa xaqiijiyay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira awooda dhinaca Maamulka ah, isla markaana ay ku balameen in la dardar geliyo hawlaha Maamulka oo gaabis xoogan ka jiro.Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa horay looga dareemay degaannada Puntland, waxaana uu saameyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland. Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah next post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 19/02/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 16/03/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/07/2020 Dhageyso:- Barnaamijka Arimaha Caalamka 29/11/2021 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 04/09/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 28/01/2017 Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo 06/11/2022 Dowladda kenya oo caddeysay sababta ay u dalbatay dib u dhiggista dacwadda Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya 12/02/2021 Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta kulan wadajir ah yeelanaya 18/04/2022 Hogaamiyaasha Jaamacada Carabta oo ugu baaqay Ethiopia in ay ka waantowdo biyo xireenka Niil 24/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.