Mareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah written by Warsan Radio 01/06/2022 Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed.Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.“Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kwaas oo loo qaaday Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti. Waxa kale oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin daabulida iyo qaybinta hal kiilo oo daroogada nooca Heroin-ka ah oo la geeyay Mareykanka.Kinoti ayaa sheegay in Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019.Kinoti ma soo hadal qaadin Axmed.Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amarka qabashada tuhmanayaashan.Eric Kneedler, oo ah u qeybsanaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciribtirka daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka madaxweyne Joe Biden, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kala shaqeyn doono Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyadan, kuwaas oo saameynaya labadaba dal.Bishii Luulyo 2020, nin kale oo looga shakisan yahay ka ganacsiga duurjoogta, Abubakar Mansur Mohammed Surur, ayaa la xiray oo loo gacan geliyay Mareykanka Surur ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa ugaarsiga sharci darrada ah ee ugu yaraan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi ah. Mareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay You may also like Video Kulanka golaha wasiirada maamulka konfur galbeed somaliya oo Baydhabo Maanta Ka dhacay 06/04/2017 Dagaalkii Mareykanka iyo Shiinaha ee Covid-19 oo dib usoo laba kacleeyay. 08/06/2020 Dhageyso:-Casharka Sheeqa ee Todobaadkaan 09/07/2021 Ciidamada AMISOM Oo Qarax Khasaaro Geystay Lagula Eegtay Gobolka Sh/Dhexe 21/02/2020 Rooble iyo Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray qaraxii Beledweyne 19/02/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 04/07/2020 Dhageyso;-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019 13/01/2019 Madasha Xisbiyada Qaran oo faah faahin ka bixisay kulankii ay la qaateen Guddoonka labada Aqal 08/06/2020 Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed soomaaliya oo Xildhibaan loo doortay 26/01/2022 RW Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashooyinka 28/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.