QM oo dalbatay in laga hortago xadgudubyada Haweenka loogu geysto Soomaaliya written by Warsan Radio 19/06/2022 Iyada oo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha, QM ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.“Xuquuqda aadanaha ee dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, si ay tani u dhacdana waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hanaanka ilaalinta sharcidejin iyo midka bulsho ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loogu talagalay haweenka iyo carruurta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.“Waxaan sidoo kale ku boorinayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay xaqiijiyaan in agabka lagu taageerayo dadka ka badbaaday rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha ay ku jiraan fursado dhaqaale. Iyadoo loo marayo awoodsiin dhaqaale ayaa ka badbaadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay naftooda iyo qoysaskooda wax ku taraan, oo ay ciribtiraan ceebaha la xiriira in loo geystay rabshadahaas oo kale,” ayaa yiri Md. Swan.Si taas loo gaaro, dadaallada QM ee Soomaaliya ee dhinaca xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxaa ka mid ah in la furo xarumo gaar ah oo taageero buuxda siiya haweenka horey loola xiriirin jiray Al-Shabaab, halkaasoo ka dib marka la siiyo la-talin billow ah iyo taageero nafsi-bulsheed, haweenku ay qaadanayaan muddo tababar xirfadeed oo farsamo gacanta ah iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado fursadaha ay ku heli karaan isku filnaansho dhaqaale iyaga iyo qoysaskooda.Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2015kii ku dhawaaqay maalinta 19-ka June ee sanad kasta inay tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Galmada ee Xilliga Colaadaha. Xuskaas ayaa ujeedadiisu tahay in kor loo qaado wacyiga ku aaddan baahida loo qabo joojinta xadgudubyada galmada ee la xiriira colaadaha, in la sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee ku nool adduunka dacalladiisa iyo in ammaan loo jeediyo dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda ugu huray naftoodana ku waayay u istaagidda ciribtirka dembiyadaas. QM oo dalbatay in laga hortago xadgudubyada Haweenka loogu geysto Soomaaliya was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Madaxweynaha Puntland oo kulan gaar ah la yeelanaya Taliyeyaasha Ciidamada You may also like Banaan bax lagu taageerayo hadalkii Madaxweyne Farmaajo oo ka socda Muqdisho 07/06/2020 Dagaal ka dhacay Afgooye & faah faahin laga helayo 30/05/2022 Dhageyso: Jenaraal Odowa Yuusuf Raage oo soo gaarey magaalada baydhabo. 17/03/2020 Wiil Dhalinyaro ah oo ay Ciyaal weero kudileen Muqdisho 17/10/2022 Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dad Turki Ah Oo Weerar Lagu Dilay 16/02/2021 Qaramada Midoobay Oo Kaaliye Cusub Usoo Magacawday Soomaaliya 31/12/2020 Gudoomiyha golaha shacbka BFS oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika ee ka socda dalka Koonfur Afrika 02/09/2022 Dhageyso:- Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/12/2021 DHAGAYSO:-warka galabnimo ee warbaahinta warsan 24/03/2024 Wasaarad ka mid ah wasaaraddaha dowladda oo magaca laga badalay 05/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.