Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 27/06/2022 Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa gudaha u galay degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.Ciidanka DANAB oo wata Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa ka tegay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Ciidanka DANAB ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degaanka Ceelbaraf kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in saaka Ciidamada DANAB lagu arkayo waddooyinka soo gala iuo kuwa ka baxa degaanka Ceelbaraf, iyaga oo sidoo kale gudaha degaanka ka wada howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.Badi dadkii degaanka degaanka Ceelbaraf ayaa isaga barakacay kadib markii ay ka cabsadeen in dushooda lagu dagaalamo, waxaana xaalad kacsanaan ah ay kajietay degaanka tan iyo 3-dii Bishii May oo Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Burundi, taas oo keentay inay degaanka isaga soo baxaan Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS & kuwa dowladda Soomaaliya.Wararka kale ee Risaala heleyso ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan kuwa howlgalka ATMIS ay kusoo wajahan yihiin degaanka Ceelbaraf, kuwaas oo hadda howlgallo miino baaris ah ka wada wadada u dhaxeeysa degaannada Ceelbaraf iyo Miirtaqwo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wasiir Beyle oo diiday go’aankii loogu yeeray ee ka soo baxay xeer ilaaliyaha qaranka next post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan You may also like DHAGEYSO:WARKA HABEEN IDAACADA WARSANRADIO 30-10-2016 30/10/2016 Toos u Daawo : Shirka Madaxda maamul goboleedyda oo goordhaw furmay 11/07/2020 Dhageyso:-21 OCTOBAR SOOMAALIYA MAXEY UGA DHIGAN TAHAY 22/10/2017 Weerar ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay 05/06/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/09/2021 RW Rooble oo Midowga Afrika kala hadlay dardar gelinta Amniga 18/05/2022 Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa gaaray Magaalada Beedweyne 23/08/2022 Xukuumada Soomaaliya oo bilowday fulinta amarkii Khayre ee doorashada (Sawirro) 02/06/2020 Dhageyso:- Warka Galab ee Idaacada Warsan 30/03/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/07/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.