Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 27/06/2022 Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fogfog laga hago ayaa Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxaa lagula eegtay duleedka Waqooyi ee Gobolka Hiiraan.Ciidamada ayaa xilliga la qarxinayay howlgalo ka waday wadada u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Matabaan, waxaana Qaraxa uu qabsaday Gaari NOAH oo ay saarnaayeen rag ay Wariyeyaal kamid yihiin.Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen ilaa Saddex qof tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay kamid yihiin dadka dhaawacmay Wariyeyaasha Khaalid Muxumed (Ilkacase) iyo Cabdikariin Shabeellow iyo Nin kale oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Gureey.Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa qeyb ka ahaa kolonyo kamid ah Ciidamada Dowladda iyo madaxda Gobalka Hiiraan oo Howlgallo ka wada wadada u dhaxeeysa degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan, waxaana qaraxa uu qabsaday xilli ay marayeen degaanka Qabno oo u dhow degmada Matabaan.Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la kala geeyay degmooyinka Beledweyne & Guriceel, waxaana la sheegay in Ciidamada ay weli howlgallada ay sii wadaan. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka DANAB oo la wareegay degaanka Ceelbaraf & faah faahin laga helayo next post Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab You may also like Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Suuq kuyaala Degmada Afgooye 23/09/2020 DHAGEYSO:-BILASHADA BISHA SOONFURKA OO LA XAQIIJIYAY 14/06/2018 WAR DEG DEG AH: WEERARKII UGU QASAARAHA BADNAA OO ALSHABAAB CAAWA LOO GEESTEY IYO BU”AALE OO CAAWA LA OGEYN CIDA HEYSATA? 05/03/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/06/2021 Khilaafka uu dhaxeeya Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo xoogeystey 08/12/2021 Abiy Ahmed oo loo dhaariyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya 04/10/2021 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 8AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 09/11/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 12/04/2021 BURCAD-BADEED MARKAB SHIDAAL KU WEERARTAY XEEBAHA U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO YEMEN 18/05/2020 Fiqi” Qoorqoor wuxuu si bareer ah u boobaya kuraasta beellaha” 15/01/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.