Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/06/2022 Guddiga golaha ammaanka uqaabilsan cunaqabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda cusub ee Soomaaliya kala shaqeynayaan cunaqabateynta hubka, curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada iyo dhoofinta dhuxusha.Guddiga ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu ka walaacsan yahay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo weerarrada sii kordhaya ee Al-Shabaab.“Guddigu wuxuu taageersan yahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda in ay sameeyaan dadaallo kala duwan oo lagu qallajinayo dhaqaalaha Al-Shabaab iyada oo la qabanayo lacagaha lagama maarmaanka u ah howlaha kooxda. Dadaalladaas ayaa noqon doona mid wax ku ool ah oo keliya marka la helo xog-wadaag iyo wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta Dowladda Soomaaliya, Dowladaha deriska iyo saaxiibada caalamka, iyadoo la kaashanayo Guddiga Khubarada,” ayuu lagu yiri warbixinta guddgan.”Guddigan waxay warbixntooda ku sheegeen, in inka badan 2,600 oo carruur ah loo geystay xadgudubyo. Sidoo kale waxay sheegeen inuu jiro 50 kiis oo kufsi iyo noocyo kale oo xadgudubyo galmo ah oo ay geysteen Al-Shabaab, Ciidamada Dowladda, maleeshiyo beeleed iyo ciidamada dowlad goboleedyada.Waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo wadashaqeyn iyo tallaabo mideysan oo ka dhacda golayaasha dowladda dhexdooda, taasoo muhiim u ah hubinta in si adag loogu hoggaansamo dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka. Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Gobolka Hiiraan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda & Shacabka Jabuuti You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/07/2022 Xukuumadda oo sheegtay in laga bilaabo bisha soo socta gud-gali doonaan howlaha doorashooyinka 30/10/2020 Wasaarada Caafimaadka oo shaacisay tiro hor leh uu soo ritey cudurka Covid 19 02/03/2021 Dhageyso:-Warka Subaxnimo ee Idaacada Warsan 19/10/2021 Taliska ciidanka Booliska Baydhabo oo Amaro soo saaray 04/05/2020 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Bangiga Adduunka 03/11/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 04/08/2020 Taliyaha Ciidanka lugta oo gaaray degaanka Guulane kulamada billaabay 17/12/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/06/2022 Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay 48 Kiis oo ah Covid-19 09/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.