Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda & Shacabka Jabuuti written by Warsan Radio 27/06/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan sanad-guurada 45-aad ee xornimada dalkaas.Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti munaasabaddan taariikhiga ah oo ka mid ah dhaxalka ay wadaagaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kana tarjumaysa halgankii mideysnaa ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.“Walaalaha Jabuuti, dowlad iyo shacabba, waxa ay maanta noo yihiin hiil aan ku tashanno. Waxaan idinla qeybsanaynaa munaasabaddan taariikhiga ah, anaga oo abaal idiin kaga hayna doorka walaalnimo ee aad ka qaadateen dib u dhiska dowladnimoda Soomaaliya.”Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay shacabka reer Jabuuti iyo dowladdoodaba nabad waarta iyo horumar joogto ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo u diray dowladda & Shacabka Jabuuti was last modified: June 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Golaha Ammaanka oo ku dhawaaqay in Dowladda Cusub kala Shaqeynayaan curyaaminta dhaqaalaha Al-Shabaab next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/02/2021 Dhagayso:-Warka Galab Ee Idaacada Warsan 22/07/2020 SRSG Swan reaffirms UN’s solidarity in the aftermath of Kismayo terror attack 16/07/2019 Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay 09/08/2022 WAREYSI: GOORMEE AYAA LADHAMEYN DONAA MAXKAMADA DEGMADA XUDUR. 16/03/2020 Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Ka War Bixisay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka COVID-19 29/04/2020 Madaafiic ku dhacday garoonka diyaaradaha iyo duulimaadyadii oo istaagay 19/02/2021 Farmaajo oo kasoo horjeestay xilal dhawaan la Magacaabay 04/05/2022 Sawiro: Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan looga hadlayay Covid-19 la yeeshay mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga 05/04/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 25/12/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.