Baydhabo-{WMN}-Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka Socday Hay,adda Unicef oo Maanta Baydhabo soo gaaray Islamarkaana ay hogaaminaysay Wakiilka Hay,adda Unicef Soomaaliya Madam Wafaa saeed.
Kulan Saacado qaatay oo ay Wada qaateen Wafdiga iyo Agaasimaha Madaxtooyada waxay kaga wada hadleen Xoojinta Kaalmada Hay,adda Unicef ay siiso Dadka Barakacayaasha iyo sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu Saamaysay ee ku Nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.
Maamulka KGS gaar ahaan wasaarada gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Koonfur Galbeed ayaa dadaal ugu jirta sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin dadka ay abaarta sameysay, ayadona madaxweynaha koonfur galbeed Lafta gareen ku baaqay gurmad wadajir oo loo fidinaayo qoysaska abaarta saameynta xoogan iyo kuwa colaadaha soo barakicisay eek u soo qul qulaya magaalooyinka waaweyn ee KGS sida Baydhabo.