Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like DEG DEG: Booliska Soomaaliya Oo Bandow Kusoo Rogay Magaalada Muqdisho 14/05/2022 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Maanta gaaray Kismaayo 22/02/2024 Musharixiinta Koonfur Galbeed oo shuruud ku xiray ka qeyb galka Shirka Baydhabo 03/01/2023 Dadaallo xal loogu raadinaayo xiisadda Boosaaso oo billowdey 02/12/2021 Ciidanka Ammaanka Puntland oo Sheegay inay gacanta ku dhigeen Qaraxyo 20/11/2023 Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmdug & ku xigeenkiisa 07/09/2023 Madaxwaynihii hore ee dalka Faransiiska oo u geeriyooday xanuunka Covid-19. 03/12/2020 KGS OO ISKU DIYAARINEYSA 1 MAY MAALINTA SHAQAALAHA ADUUNKA . 01/05/2018 Sawiro: Ururka Samafalka ah ee Walaalaha mishurtyarlaathy Oo Garab istaag Muhiim ah Umuujiyey Qoysas Danyer ah Oo Kunool Magaalada Baydhowa. 21/02/2020 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA MAY KOOCUSUB WARABINTA RADIO WARSAN XARUUNTIISA MAGAALADA BAYDHABO,, 28/01/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.