Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday dugsiga Tababarka Kumaandooska Dalka Turkiga ee Isparta, halkaas oo xarun muhiim ah u ah tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed oo kumannaan ka mid ah ay ka soo qalin jabiyeen.Madaxweynaha oo ay soo dhaweeyeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Turkiga ayaa uga mahad-celiyey doorkooda tiir-dhexaadka u ah dib u dhiska ciidamada Soomaaliyeed, isagoo xusay qiimaha ay u leedahay dowladnimada Soomaaliya iyo dib u hanashada amniga guud ee dalka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay macalimiinta iyo saraakiisha dugsiga, warbixin ku saabsan xaaladda iyo tayada guutooyin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar sare u jooga dugsiga kumaandooska dalka Turkiga ee Isparta.Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta Soomaaliyeed ee uu tababarku uga socdo dugsiga kumaandooska ee Isparta, waxa uuna uga warbixiyey qorshaha dowladda ee dib u dhiska ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isagoo ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in ay naftooda u huraan difaaca dalkooda iyo dadkooda. Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya You may also like DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 07/04/2020 Ra’iisal Wasaare Rooble oo aan wada hadal ku dayi doonin Ahlu Sunna 16/11/2021 Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar 31/05/2022 Maamulka Jubbaland ”Muqdisho ma’aha xiliggan meel shir lagu qaban karo 23/02/2021 Tirada Askarta ku dhimatay Shil gaari oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe oo korortay 01/10/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/12/2020 Wararkii ugu dambeeyay Wadahadalada Ruushka iyo Ukraine 29/03/2022 Madaxweyne Xasan Sheekh oo Casuumaad u fidiyey dhigiisa dalka Ciraaq 06/02/2023 Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaan ka tirsan Gobalka Gedo 07/07/2020 RW Rooble oo soo dhaweeyay liiska Xildhibaannada labada Aqal ee la soo saaray 01/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.