Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay written by Warsan Radio 10/07/2022 Ciidamada ammaanka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa howgal ay sameeyeen waxaa ay gacanta ku dhigeen rag burcad hubeysan ah oo dhac ka geysanayay xaafado katirsan degmadaasi Dayniile.Ragga Burcadda ah ayaa isugu jiray rag ku labisnaa dareeska Ciidamada Millateriga Soomaaliya sidoo kale watay qoryo iyo rag kale oo iyana tooreeyo ku hubeysnaa.Ragga la qabtay oo gaaraya ilaa 5 Dhalinyaro ah ayaa waxaa cabasho ka keenay Shacabka kunool xaafadaha degmada Deeyniile, kuwaas oo dhowr jeer ay dhac u geysteen.War kasoo baxay maamulka degmada Deeyniile ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka raggan lagu qabtay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen cabasho uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degmada Deeyniile.“Anagoo kajawaabayna cabashada shacabka ayaa howl gal qorsheysnaa kafulinay Degmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. Taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maamulka degmada deeyniile.Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Shacabka kunool Xaafadaha degmada Deeyiile waxaa ay ka caanayeen Rag hubeysan oo xilliyada habeenkii dhac u geeysanaya, kuwaas oo dadka qaarkood dilaya. Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya next post Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlayay Arrimo ku saabsan Amniga You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 19/11/2023 Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab oo ku dagaalamay Gobolka Gedo 22/05/2020 Dowladda Soomaaliya oo ku celisay in aysan aqbali doonin bannaanbax dambe 23/02/2021 Daawo Videio:-wefdi uu hagaaminayo saraakiil Hayada Fawo UNC ayaa maanta soogaaray magaalada baydhabo 01/02/2017 Kenya oo sheegtay inay dishay Xubno katirsan Al-Shabaab 17/02/2023 DHAGEYSO SHARIIF XASAN OO LAFALANGEEYEY DHIBAATADA UU KU HAAYO KOONFUR GALBEED DHAGAYSI WANAAGSAN 21/01/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/12/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 29/10/2021 DHAGEYSO:- WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS, 23/01/2017 Dhageyso:- Barnaamijka Arimaha Caalamka 18/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.