Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya written by Warsan Radio 10/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya ayaa la filayaa in uu kulan la qaato dhiggiisa dalkaas mudane Isaias Afwerki.labada Madaxweyne ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal yeellan doonaan iyo Arrimo kale oo ku saabsan Geeska Afrika.Dalka Eritrea ayaa waxaa ku sugan yihiin ciidamo Soomaali ah oo tababar ay ugu dirtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia. Warkan ayaan loo heyn wax caddeyn ah oo xaqiijinaya.Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho iyaga oo dalbanayay xogta la xiriira caruurtooda.Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria. Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya dhiggiisa Ereteriya was last modified: July 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan next post Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Rag dhac ka geysanayay You may also like Sawirro: Wasaaradda Arimaha Gudaha Kg oo Degmada Xudur ku qabatey Kulan wada tashi ah. 31/07/2022 12-ka April xuska maalinta qaran ee ciidanka Xoogga Dalka (warbixin) 12/04/2021 Midowga Musharaxiinta oo Muqdisho Kula Kulmay Madaxada Maamullada Qaar 11/01/2021 DHAGEEYSO :-BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA WAREARKA TODOBAADKA 24/03/2017 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/09/2020 Mareykanka oo Itoobiya uga digay Saraakiisha ay dalkeeda ka eriday 02/10/2021 DHAGEYSO: BARNAAMIJKA MAYKO USUB EE IDACADA WARSAN 27/04/2019 Akhriso: Maxay ka wada hadleen Madaxda DFS iyo dowlad Goboleedka 22/06/2020 Israa’iil oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe ay ka damacsan tahay Gaza dagaalka kadib 02/12/2023 Akhriso:-Maxamed Aadan waa 13 jir ay indha tirtay jadeeco ku dhacday isagoo afar sano jir ah. 16/04/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.