Weerar duqeyn ah oo Sagaal qof lagu dilay written by Warsan Radio 21/07/2022 Sagaal qof oo rayid ah oo ay ku jiraan labo caruur ah ayaa ku dhintay, 33 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar Turkiga ku qaaday gobolka Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, sida ay saraakiishu sheegeen.Telefiishanka Ciraaq ayaa sheegay in “duqeymo culus” lagu garaacay goob loo dalxiis tago oo ku taal magaalada Zakho, oo dhacda xadka gobolka Kurdistan ee Ciraaq iyo Turkiga.Wakaalada wararka ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal. Saraakiisha Ciraaq ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ka dambeeyay weerarka, balse Ankara ayaa beenisay inay mas’uul ka tahay dhacdada.Madaxa gobolka Zakho, Mushir Bashir, ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin “dalxiisayaal ka yimid Carabta Ciraaq, oo u badan kuwo ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalka”,.Turkiga ayaa maanta labo jeer duqeeyay tuulada sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.Bashiir ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ahaayeen dalxiisayaal u yimid tuulada buuraleyda ah ee Barkh ee gobolka Zakho si ay uga badbaadaan heerkulka sare ee ka jira koonfurta dalka.Caamir Cali oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Zakho ayaa warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay kala ahaayeen labo caruur ah oo saddex rag ah iyo saddex dumar ah. Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Mustafa Al-Kadhimi ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid lagu weeraray madax banaanida Ciraaq.Waxayna Golaha Wasiirada Amniga Qaranka, oo uu madax ka yahay Al-Kazemi, ay go’aansadeen in ay amar ku siiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay u yeerto safiirka Turkiga ee Ciraaq oo ay u sheegto sida ay Baqdaad u cambaareynayso dhacdada. Weerar duqeyn ah oo Sagaal qof lagu dilay was last modified: July 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Al-Shabaab oo weerar ka geystay dhulka dowlad degaanka Soomaalida You may also like Madaxweynaha Somaliland oo xilka qaadis iyo Magacaabis sameeyay 10/11/2021 Shirka iskaashiga iyo wadatashiga Dowlad Goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo goordhow ka furmay Baydhabo 09/09/2020 Guddiga Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo guddoon doortay 04/08/2021 SAWIRO: Taliyaha cusub ee loo magacaabay qeybta 60-aad oo xilka la wareegay 21/05/2022 Qaramada Midoobe oo ku baaqday in qaab nabadeed lagu xalliyo xiisadda ka taagan Itoobiya 05/11/2020 Sirdoonka Mareykanka Oo Ogaaday Qorshe Ka Dhan Ah Ukraine Uu Wado Ruushka 04/02/2022 Sweden oo soo masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia & dalal kale 20/08/2023 RW Rooble oo rajo ka muujiyay qabsoomidda Shirka Wadatashiga Qaran 20/05/2021 William Ruto oo sheegay in aan la joogin xilli wakhti lagu lumiyo natiijada doorashadii dhacday 19/08/2022 Shidaal la gaarsiiyay Qaza iyo isbitaallada oo aan loo oggoleyn 16/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.