Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab written by Warsan Radio 05/08/2022 Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka hadlay Ciidamada faraha badan oo Somaliland ay soo dhoobtay degmada Boocame ee Gobolka Sool iyo xiisada ka taagan halkaas.Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay dhibaatooyin ay iyaga dhexdooda isku geysteen, balse aan laga faa’iidiin wax aan aheyn khasaaro.Sidoo kale wuxuu sheegay in xilligaan nasiib darro tahay in Maamul Soomaaliyeed uu usoo hub qaatay in uu dhibaateeyo dad kale, iyada oo lagu guda jiro waqti abaaro, isaga oo maamulka Somaaliland ku eedeeyey in ay weerar ku yihiin dhulka Puntland ayna gacan siinayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab .Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Somaliland markasta oo Ciidamada Puntland ay bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka Barbara furaan Ciidamada Puntland furin kale, iyaga u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo Madaxda Somaliland ugu baaqay inay ka laabtaan dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Sanaag.War kaan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Somaliland ay geeysay Ciidamo farabadan degmadw Boocame, xilli Aaga degmadaas ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin & Ciidamo katirsan Puntland. Puntland oo sheegtay inay soo weerartay Somliland oo garab siineysa Al-Shabaab was last modified: August 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan next post Wararkii ugu dambeeyay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Beledweyne You may also like Rooble oo kulan la yeeshay Gudoomiyeyaasha KMG ah ee labada Aqal 16/04/2022 Ciidanka Itoobiya oo ka baxay Xero Milateri oo ku taalla duleedka Kismaayo 26/01/2024 Wasaaradda arrimaha dibedda waxay ku kharash gartay $ 1.5 bilyan dimoqraadiyadda Soomaaliya waxayna dhistay kalitalisnimo 28/07/2020 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 20/09/2022 Dhageyso;- Barnaamijka Hampalyada Iyo Salaamha ee Idaacada Warsan 16/09/2022 Beyrut Waxaa lagu qabtay munaasabad loogu duceynayo dadkii ku dhintay qaraxa 12/08/2020 Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday magaalada Beledweyne 23/09/2020 Waxa caawa si rasmi ah xaruunta Idaacada Warsan ee magaalada Baydhabo lagu soo gaba gabeeyey barnaamijkii tartan aqooneedka ee muda bishan ka socdey 29/04/2022 video Madaxweyne Shariif Xasan Oo Furey Kal-Fadhigii Sadexaad Ee Baarlamanka KGS 09/04/2017 Dhageyso:-maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada beleswyne ayaa dhaxdgigay wado dhaxmarto magaalada beledweyn. 19/01/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.