
Baydhabo-{WMN}-khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan.
wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhowaa meesha uu qaraxa ka dhacay Inka badan 7 qof oo shacab ah ayaa ku dhawacmay oo haween iyo rag isugu jira halka 2 askari uu midna dhintay midna dhaawac yahay kadib markii qarax la galiyay miis yar oo ay leedahay haweeney goobtaasi shaah ku iibisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo buux dhaafiyey waxey ku Howlan yihiin uruurinta dhaawacyada iyagoo u daad gureenayo isbitaalada magaalada ku yaala halka uu qaraxa ka dhacay waa boosteejada kunyo barow ee magalada baraawe.