Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab written by Warsan Radio 27/09/2022 Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada milateriga ee Soomaaliya inay ka saareen ururka al-Shabaab, qaybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo ah guulihii ugu dambeeyey ee laga gaaro hawlgallada ay iska kaashanayaan dawladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka.Dawladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in gobolka Hiiraan oo keliya in ururka al-Shabaab laga xoreeyey illaa 40 deegaan, taas oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka iyo ciidamada kamaandoosta ah, ee ay tababartay dawladda Maraykanku.Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka qayb galay dood ka socotay telefishan maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo dadka deegaanku inay ku guulaysteen inay Al-Shabaab ku jebiyaan bartamaha Soomaaliya, isaga oo tusaale u soo qaatay guulihii laga gaaray hawlgalladii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Galguduud.Waxa uu xusay in illaa 40 deegaan oo ku yaalla gobolka Hiiraan iyo lix kale oo ka tirsan Galgaduud in lagu xoreeyay wax ka yar muddo saddex toddobaad, isagoo ku tilmaamay inay tahay shaqo aad u wacan oo la qabtay. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in degaano horleh lagala wareegay Al-Shabaab was last modified: September 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo faah faahisay xilliga dalka lagu soo celinayo Ciidamada ku maqan Ereteriya next post Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay Dhalinyaro ku xayirnaa dalka liibiya You may also like Dhageyso: Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa kulan kala qaatay wafdi ka socday dalalka Tanzania iyo Pakistan, 31/03/2017 Qaramada Midoobay oo sheegtay in xadgudub loo geysto caruurta Soomaaliyeed 22/06/2021 Madaxweyne Putin oo sheegay inuusan Nukliyeer u adeegsan doonin Ukraine 29/10/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 22/01/2022 Ururka caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay kala duwanaanshaha labada Feyrus ee Coronavirus iyo Omicron. 16/12/2021 SAWIRO:- Maxaabiis uu cafis u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo la siidaayay 22/04/2023 Sawiro:- Dowladda Federalka Soomaaliya oo soo bandhigtay lacagta cusub 09/06/2018 Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab 02/10/2022 Ciidamada Puntland oo rasaaseeyay dad banaanbax ka dhigayay Boosaaso 18/10/2022 Maxaa kajira in Guddiga FEIT ay doonayeen inay fasaxaan Kursiga Hop#086? 30/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.