Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro kuyaalla degmada Saakoow ee gobolka Jubbada Dhexe waxaa ay ku toogteen lix rag ah oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka dowladda Mareykanka.
Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa boqolaal kamid ah Shacabka degaanka kuunyo-baroow oo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashada & Xubno kamid ah Al-Shabaab.
Ragga ay Al-Shabaab goobta fagaaraha ah ku toogteen oo u badan Dhalinyaro ayaa laga soo qabtay degaano kala duwan oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Cabdullaahi Cabdixmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar) oo Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka mareykanka, isla markaana uu gudbiyay xogta Saraakiil katirsan Al-Shabaab si loo duqeeyo.
2: Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, isla markaana uu qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
3: Cabduqaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule) oo Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa duqeyn ka dhacday demada Saakow uuna la Shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka.
4: Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, waxaana Shababaab ku eedeeyeen in uu diyaariyay duqeyn lala beegsaday Saraakiil katirsan Ururka Al-Shabaab, sidoo kalena uu gudbiyay xogta rag kale oo katirsan Al-Shabaab.
5: Cabdi Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle), kaas oo ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka uuna gudbiyay xogta Saraakiil katirsan kooxda Al-Shabaab.
6: Cabduqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu qeyb ka ahaa weerar iyo duqeyn ka dhacday degmada Saakoow, isla markaana uu la Shaqeeynayay
Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin ragga lixda ah oo ay Al-Shabaab ku toogteen fagaaro kuyaalla demada Saakoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana sidoo kale jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya eedeynta ay u jeediyeen raga ay Al-Shabaab toogteen.