Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde written by Warsan Radio 05/12/2022 Saldhiga Boliiska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay dhowr nuuc oo daawooyin Koontrobaan ah kuwaas oo loo isticmaalo in lagu sarqaamo.Daawooyinkas oo dhowr jeer siyaabo kala duwan loogu qabtay Garoonka ayaa kala ah ;- 6 cartoon Tramadole Capsule 100 mg iyo 50 mg oo ay soo saaraan shirkadaha Zain Pharma iyo Zamadol oo ay soo saartay Zimadol, 2 cartoon oo Codeine Sharoobo Benyalin, Pregabalin Capsule 2 Cartoon, Cirbadaha Pethidine & oxytin 100 mg, oo ay soo saartay Martindole Pharma iyo hal cartoon Cirbada Robadole tramadole oo ay soo saartay Radiance Pharmaceticals Limited.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Doodisho ayaa sheegay in Muqaadaraadkan ay yihiin kuwa ugu weyn ee sababa dembiyada nuucyadooda kala duwan, isla markaana Ciidanka Boliisku heegan buuxa ugu jiraan inay kula dagalaamaan muqaadaraadka dhan kasta oo uu ka soo galo dalka. Sida Garoonka, Dekada iyo Xaduudaha dalka.Afhayeenka ayaa sidoo kale uga digay cid walba oo ku howlan inay dalka keenaan daawooyinkaas lagu sarqaamo ee aan aheyn sifada sharciga ah. Booliska oo soo bandhigay Daroogo laga qabtay Garoonka Aadan-Cadde was last modified: December 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wareysi: Dood Wadaag Ku saabsanaa Tabinta doorashooyinka Oo Baydhabo Lagu qabtay. next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan Xalinta khilaafadka iyo Saameynta Covid 19 27/08/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Wrasan 28/12/2022 Maamulka Jubbaland oo Dalab Deg-deg ah u diray Hay’addaha Samafalka 10/10/2021 Madaxweynaha Chile oo loo ganaaxay inuu jebiyay awaamiirta Coronavirus 21/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/12/2021 Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahin laga helay 24/07/2023 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 31/03/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 01/10/2020 Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay dadkii lagu dilay Gaalkacyo 15/06/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.