
Mohammed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono la-hawlgalayaasha si loo sugo ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab.
βAnigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha ATMIS, militariga, booliiska, iyo rayidka, waxaan mar kale ku celinayaa sida ay nooga goβan tahay inaan si dhow ula shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,β ayuu Souef ku yiri hadal uu ka soo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ergeyga Midowga Afrika oo ka hadlay mar uu martigeliyay diblomaasiyiin shisheeye, wakiilo ka socday hayβadaha Qaramada Midoobay, iyo masβuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan dhammaan bah-wadaagta la ah Soomaaliya si ay u taageeraan dadaallada ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya si ay faaβiido ugu jirto Soomaaliya.
βWaxaan ballan qaadayaa taageerada aan loo meel dayin iyo sida ay iga goβan tahay in aan si dhow ula shaqeeyo dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,β ayuu yiri Souef.
ATMIS waa howlgalka taageerada nabada ee Afrika si loo yareeyo khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon, iyaga oo aan Ciidanka ATMIS bilihii la soo dhaafay qeyb ka aheyn dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.