RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka written by Warsan Radio 04/01/2023 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Dowladdu waxaa ay sheegtay in Hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab lagu dilay in ka badan 2000 oo Al-Shabaa ah afartii bilood ee u dambeysay.Ra’iisul Wasaaaraha ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga saaro Al-Shabaab si Bulshads ay ugu noolaadaan Amni.Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya. RW Xamse oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga dalka was last modified: January 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Qaar kamid ah dhaawacyada qaraxyadii degmada Maxaas oo la keenay Muqdisho next post Xubno katirsan Guddiga loo xilsaaray dhibaatada ka taagan laas-Caanood oo is casilay You may also like Akhriso:-Ajendaha Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka 02/11/2020 Duulimaadkii ugu horeeyay ee UK ee Qaxootiga loogu masaafuriyo Rwanda oo la ogolaaday 11/06/2022 Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare oo Maanta bilaabanaya 18/07/2020 Iskuul ku yaala dalka Canada oo loogu magac-daray Hodan Naaleeye 04/03/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/11/2021 Raiisul Wasaaraha Uk “Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada” 02/04/2022 Sweden oo soo masaafurineysa Kumanaan Qaxooti kasoo jeeda Somalia & dalal kale 20/08/2023 Somaliland’s Marodi Jeh court should drop charges against journalist Oldon- SJS calls 26/06/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 11/10/2021 BREAKING NEWS CNN: Joe Biden elected as 46th president in US 07/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.