Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof written by Warsan Radio 05/01/2023 Dhimashada labadii qarax ee shalay ka dhacay magaalada Maxaas ayaa gaartay 35 qof, halka dhaawuna uu yahay 40, sida uu wakaalada wararka ee Reuters uu u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska maamul goboleedka Hirshabeelle.Dadka ku dhintay qaraxyadan ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, sida uu VOA u sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska dhibku soo gaaray.“Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hirshabeelle oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay maleeshiyada Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyo beeleedka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan. Dhimashada qaraxyadii Maxaas oo gaartay 35 qof was last modified: January 5th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DHAGEYSO;- BARNAAMIJKA DHACDOOYINKA CAALAMKA next post Erdogan oo xabbad-joojn hal dhinac ah ku cadaadiyey Putin You may also like Liiska Xildhibaanada Galmudug Oo Lashaaciyey. 10/01/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsn 17/09/2021 Qorshihii dib u celinta Qaxootiga Britain ku sugan oo la hakiyay 15/06/2022 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa lagu soo waramaya inuu bilaabay dadaalo uu ku bad baadinaayo aayaha maamulka Gal-Mudug oo sanad gudihiis lugaha la galay khilaafkii labbaad. 05/06/2018 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 16/01/2022 Wasiir Goodax oo sheegay in dib u dhigay Imtixaanaadkii dugsiysiyada sare ee dalka 05/05/2020 Golaha wakiilada Puntland oo diiday matalaadda gobolka Banaadir, soona saaray 13 qodob 29/06/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/04/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah u sameeyay Amb James Swan 25/10/2022 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 24/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.