Congress-ka Maraykanka oo markii 14aad isku dayaya inuu doorto Afhayeenka golaha written by Warsan Radio 07/01/2023 Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa maalintii afraad wuxuu ku guda jiraa doorashada afhayeenka golaha, iyada oo xildhibaanada kala qaybsan ee xisbiga Jamhuuriga oo haysta aqlabiyadda goluhu ay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqda afhayeenka golaha.Kevin McCarthy oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa 13 jeer oo la codeeyey wuxuu gaadhi waayey codad ku filan oo uu ku noqdo afhayeenka golaha.Illaa 20 musharax oo ka mida xisbiga Jamhuuriga ayaa ka soo horjeestay musharax xisbiga Jamhuurigu wato ee Kevin McCarthy, hase ahaatee, mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegaya inuu jiro isfaham iyo isu soo dhowaansho.Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay inay jiraan illaa 15 mudane oo hore uga soo horjeeday Kevin McCarthy oo haatan laga rajo qabo inay u codeeyaan.Golaha ayaa haatan bilaabay inuu markii 14aad u codeeyo afhayeenka golaha congresska.Arrintan ayaa noqotay loollankii ugu muddada dheeraa ee loo galo kursiga afhayeenka golaha congress-ka muddo ku siman 164 sannadood.Xildhibaanada golaha Congresska ayaa ka kooban 435 mudane, waxaana musharaxa noqonaya afhayeenka golaha looga baahan yahay inuu helo 218 cod. Xisbiga Jamhuuriga ayaa haysta 222 cod, hase ahaatee xildhibaanada qaarkood ayaa diidan musharaxa xisbigooda, una arka inaanu u qalmin booska uu u tartamayo. Congress-ka Maraykanka oo markii 14aad isku dayaya inuu doorto Afhayeenka golaha was last modified: January 7th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan. next post Hadal hayn ka dhalatay, wiilka uu dhalay boqorka UK oo sheegay inuu dilay 25 qof You may also like Akhriso:-Khudbadihii Musharixiinta guddoonka Baarlamaanka oo la soo gaba gabeyay 26/04/2018 Dad ku dhintay Shil ka dhacay inta u dhexeysa Jig-jiga iyo Wajaale 15/08/2023 United Nations in Somalia mourns death of Mogadishu mayor from terrorist attack injuries 01/08/2019 Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta dood xasaasiya ku leh Muqdisho 22/06/2020 Dad lagu la’yahay god ay ka qodayeen dhuxul Waqooyiga dalka Mexico. 06/06/2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo iyo soodhaweyn loo sameeyay (Sawir) 12/08/2020 MADAXWEYNE FARMAAJO OO HAMBALYO U DIRAY DHAMMAAN SANATARRADA LOO DOORTAY AQALKA SARE 14/11/2021 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo deegaano horleh kala wareegay Al-Shabaab 13/09/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee RAdio Warsan 18/07/2022 Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geeridii Xildhibaan Aadam Cali Xasan 18/04/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.