
Sedexdii Xaafadood ee kaalimaha hore ka gashay Tartan aqooneedkii bisha barakeeysan Ramadaan Idaacadda Warsan ayaa munaasabada lagu abaal marinayo loogu qabtay Xarunta Warsan.
Munaasabadda tartamayaasha lagu abaal marinayey waxaa ka soo qeeyb galay mas’uuliyiin kala duwan ee ka kala socotay warbaahinta madaxa bannaan, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta KGS iyo xubno ka socday Xaafadihii tartanka ka tiigsaday kaalimaha hore iyo madadxda iyo shaqaalaha idaacadda Warsan
Gudoomiyayaasha dhalinyarada sedexda xaafadood ayaa hadalo kooban munaasabadda ka jeediyeen waxaa ay ku cabbireen shucuurteeda ku aaddan munaasabadda.
Prof. Cali maxamed Kuusoow oo ka mid ahaa gudiga tartan aqooneedka Isla markaana qaabilsanaa su’aalo weeeydiinta Tartan aqooneedka ayaa hadal jeedintiisa xafladda ku dul joogsaday muhiimadda tartanka u leeyhay bahda waxbarashada isagoona uga mahad celiyey tartamayaashii dulqaadkii ay muujiyeen bishii tartanka uu socday.
Agaasinaha Idaacadda Warsan Hilaal Sheekh Shuceeb iyo agaasinaha Radio Baydhabo Xasan Cali Hafoow oo munaasabadda ka hadlay ayaa labadaba waxaa ay ku baraarujiyeen tartamayaashii guuleeystay in ay badiyaan dadaalka aqoonta iyo aqrinta si loo helo bulsho aqoon ehel u ah..
Cumar Musdhafa Nuur, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta bulshada KGS. Oo isna munaasbadda ka hadlay ayaa tilmaamo iyo tallooyin waxaa uu siiyeey Warbaahinta iyo tartamayaasha isagoona balan qaaday in sanadkaan wax weeyn ka qaban doonaan tartamada la qaban doono si uu u dhaco Tartan aqooneed tayo iyo aqoon wata
Xaafadaha kaalimaha kala galay ayaa ahaa.
Xaafadda Toowfiiq oo kaalinta koowaad lagu abaal mariyey. Kaalinta labaad waxaa lagu abaal mariyey xaafadda Waaberi halka kaalinta seddexaad lagu abaal mariyey Xaafadda Isha.




