Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka ee ka howlgalo degaanada maamulka Koonfur Galbeed gar ahaan Qeybta Gobolka Baay ayaa Howlgal lagu Xaqiijinayey Amniga Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobalka Baay ka sameeyey nawaaxiga magaalada baydhabo
Howlgalka waxaa si gaar ah looga Sameyey Qaar kamid xaafadaha iyo Wadooyinka Waa weyn ee Magaalada Baydhabo.
Arintaan ayaa ku soo aadeysa Xilli Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ay Magaalada Baydhabo kusoo bandhigeen 8-Xubnood Oo ka Tirsanaa Alshabaab Oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed sida ay sheegeen saraakiisha Amniga Magaalada Baydhabo .
Xubnahan isa soo dhiibay ayaa la sheegay in Alshabaab uqaabilsanayeen a dhanka Jabhadaha iyo Xisbada.
Sidoo kale , Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa labadii Todobaad ee lasoo dhaafay soo bandhigey ku dhowaad 25 Xubnood Oo kasoo goostay Alshabaab sida Hay’adaha Amniga Koofurgalbeed ay sheegeen.
Hase ‘ahaatee , Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa Xilli mudooyinkii dambe Magaalada Baydhbo ee xarunta gobolka Baay iyo degaanada kale ee hoostaga uu ka socday Hawlgalo ka dhan ah Alshabaab .