Baydhabo Somaaliya,{WMN}-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta safar lama filaan ah ku tagay deegaanka Sabiib ee duleedka Afgooye, halkaasoo todobaadyo ka hor la wareegeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada Kumaandooska.
Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha ayaa diyaarad Helicopter ku tagay deegaanka Sabiib oo Muqdisho u jira illaa 40KM.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Kumaandooska iyo dadka deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay ciidamada Kumaandooska ee Danab xoreyntii deegaankan, waxaana uu sheegay inay sii socon doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ammaanka deegaanka Sabiib iyo deegaanda ku dhow dhow ayaa si aad ah loo adkeeyay, intii uu Madaxweynaha ku guda jiray kormeerkiisa.
Deegaanka Sabiib ayaa ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Afgooye, ciidamada dowladda ayaa horay uga saaray deegaankaas Al-Shabaab holwgalkii looga xoreeyay Afgooye sanadkii 2012, hase ahaatee Ciidamada ayaa dhowr jeer isaga soo baxay deegaanka Sabiib, taasoo keentay in Al-Shabaab dib u qabsadaan, isla markaana dhowr jeer ka weerareen Afgooye.