Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkasi ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo looga hadlaayo Xaaladda Siyaasadda dalka.
Kulamaddaan ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka socda Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya , Madaxweynaha Puntland iyo Kan Jubbaland.
Waxaa lagu waddaa in Madaxda ku sugan Kismaayo oo ay ku jiraan kuwo leh Miisaan siyaasadeed oo aad u culus in ay ku dhawaaqaan Isbaheysi looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.
Madaxdii ka qeyb gashay Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa intooda badan ku sugan Magaalada Kismaayo wali.