Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho.
Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa faah faahiyay waxyaabaha ay saddexdooduba ka wada hadleen, wuxuuna sheegay inay isla soo hadalqaadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka.
“Waxaan kulan wada qaadanay Madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed, oo aan isla soo qaadnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Waxaan iska wareysanay xaaladaha murugsan ee ku gadaaman doorashooyinka iyo sida dowladdu ay uga cago jiideyso in ay doorashada xilligeeda ku qabato.”
Waxa uu intaa ku daray in labada Madaxweyne ay sidoo kale isla soo qaadeen Shirka Beelaha Mudulood, ee uga socdo Magaalada Muqdisho.
“Sidoo kale waxaan iska wareysanay Shirka Beelaha Mudulood uga socda Muqdisho, oo aan dhiiragalinayno, isla-markaana aan rajeyneyno in illaa heer Soomaali la gaarsiiyo.” Ayuu yiri Shariifka.