Ururada Bulshada Rayidka ayaa waxay beeniyeen war ka soo baxay Madaxtooyada Somaliya, oo ku aadanaa inay taageereen doorashada hal qof iyo hal cod.
Qoraal ka soo baxay Villa Somalia oo lagu faah faahinayay kulankii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Magaalada Dhuusamareeb kula yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay inay taageereen doorashada dalka inay noqoto mid qof iyo cod ah.
Qoraal kale oo ay soo saareen Ururada Bulshada Rayidka ayaa lagu beeniyay inay taageereen doorasho nooc gooni ah, waxayna nasiib-darro ku tilmaameen warka ka soo baxay Villa Somalia.
“Bulshada rayidku waxay maanta la kulmeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, waxayna la wadaageen aragtidooda. Nasiib-darro warsaxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Bulshada Rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale ‘qorshahaas ku garab taagan yihiin’ Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraalka Ururada Bulshada Rayidka.