Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Sii Haayaha Wasiirka Maaliyadda Somaliya ayaa hortagay Xildhibaanada Golaha Shacabka, oo akhrinta 2aad marsiiyay ku noqoshada Miisaaniyadda Qaranka ee 2020.
Xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka u akhriyay warbixinta.
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel marinta ku noqoshada Miisaaniyadda sanadkan su’aalo ka keenay ayaa arrimahaasi wax ka weydiiyay Sii Haayaha Wasiirka Maaliyadda, oo kulanka ay ku wehlinayeen Kuxigeenkiisa iyo xubno kale oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda.
Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Xarunta Golaha Shacabka ka hadlayay ayaa yiri “waxaa aan Baarlamaanka markale ka hor akhrinay ku noqoshada Miisaaniyadda 2020, inagoo sidoo kale ka jawaabnay su’aalaha Baarlamaanka ee ku aadan arrimaha Miisaaniyadda.”
Beyle ayaa tilmaamay in ay Xildhibaanda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ka rajeynayan meel marinta dib u eegidda Miisaaniyadda 2020, taasoo sida uu sheegay muhiim u ah sii wadidda hawlaha Qaranka.
“Waxa aan ka rajeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed in ay meel mariyaan dib u eegidda Miisaaniyadda oo muhiim u ah sii wadidda hawlaha dowladda.” Ayuu yiri Beyle.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka d u eegidda Sharciga La dagaalanka Burcad Badeeda, waxaana muhiimadda uu dalka u leeyahay Golaha Shacabka ka hor akhriyay Sii Haayaha Wasiirka Cadaaladda, Xasan Xuseen Xaaji.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir guddoominayay kulankii maanta, ayna ku wehlinayeen kuxigeenadiisa ayaa markii dambe kulanka soo xiray.