Taliska Booliska ee Magaalada Baydhabo ayaa maanta bulshada ku dhaqan Xarunta Gobolka Baay ugu baaqay inay ka qayb qaataan suggida amniga inta lagu guda jiro maalmaha Ciidul Adxaa.
Taliyaha Saldhiga Booliska Baydhabo, Korneyl Mukhtaar Ibraahim Axmed (Dugudow) oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dadka ku dhaqan magaalada iyo nawaaxigeedaba looga baahan yahay inay qayb ka noqdaan xaqiijinta amniga.
Taliyaha ayaa tilmaamay in dadka deegaanka uu ku wargelinayo inta lagu jiro maalmaha Ciidul Axdaa in looga baahan yahay inay wada shaqayn dhow la yeeshaan laamaha ammaanka.
Taliyaha ayaa intii uu hadlaayay soo hadalqaadin inay jiraan digniino amni iyo in kale, ha yeeshee waxaa uu si guud uu dadka ugu yeeray inay amniga ka qayb qaataan maalmaha Ciidda.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, aan maalmaha ciidaha looga baran inay carqaladeeyaan amniga.