Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday xarun hey’adda WFP ay ku ledahay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday Garbahaarey waxay iska caabin xoog leh kala kulmeen ciidamada dowladda federaalka oo fariisin kula lahaa xaruntaas.
Dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa mudo ka socday halkaas waxayna dadka deegaanku shegeen in dib loo riixay dagaalamayaashii weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab.
Si rasmi ah looma oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, welina kama hadlin saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Garbahaarey, dhankooda Al-Shabaab ayaan iyaguna wax war ah kasoo saarin weerarkaas.
Waxaa xusid mudan in habeen hore ay Al-Shabaab sidaan oo kale weerarro uga fuliyeen degmada Luuq ee isla gobolka Gedo iyo deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana weerarradaas guulo ka sheegtay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Luuq iyo Baarsanguuni ku soo bandhigay meydadka xubno ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Shabaab-kii weerarka ku soo qaaday.