Cali Cabdullaahi Xusseen Cali Guudlaawe ayaa loo doortay madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle doorasho ka dhacday magaalada Jowhar.
Cali Guudlaawe ayaa helay 86 cod halka musahrixii la tartamayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cismaan uu helay cod 13 guud ahaan 99 xildhibaan ee codadkooda dhiibtay
Madaxweynaha saddexaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horeyba loo sii saadaalinayay in uu ku soo bixin doono doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirro iyo Xildhibaannno ka tirsan Dowladda dhexe ee federaalka.
Dhanka kale Waxaa goor dhaw soo dhamaatay doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo noqonaya Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed
Yuusuf Daba-geed ayaa ku guuleystay 87 cod halka musharixii la tartamayay Maxamed Maxamuud Cabdulle [Maxamed Dheere] uu helay 12 cod dhamaan 99 kii xildhibaan ee codadkooda dhiibtay.
Xildhibaannada ayaa horey xilka madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle u doortay Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo horey madaxweyne ku-xigeen uga ahaa maamulkan.
Yuusuf Dabageed ayaa dhowr jeer oo hore guddoomiye ka soo noqday gobolka Hiiraan, waxaana uu hadda ka mid ahaa xubnihii sida weyn u taageeray dhismaha labaad ee dowlad gobolleedka Hirshabeele.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Hagar oo maanta ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo Guddigii Doorashooyinka Hirshabeelle daah-furnaanta iyo habsami u socodka ay ku maamuleen hannaanka doorashadan oo wadajirka ay uga soo shaqeeyeen dhammaan shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta deegannada hirshabeelle.
“Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mudane Yuusuf Axmed Hagar xilalka loo doortay maanta, anigoo ka rajeynaya in ay u horseedan bulshada deegaannada Hiirshabeelle xasillooni, amni, midnimo,caddaalad iyo horumar loo dhanyahay”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri-geliyay shacabka iyo maamulka Hirshabeelle adkeynta midnimada iyo wax wada qabsi miro-dhal ah oo horseeda horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada deegaanka, taas oo xasillooni ka abuuraysa deegaanada Hirshabeelle, nolol iyo mustaqbal wanaagsanna u ah bulshada.