Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaalamayaasah Al-shabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday.
Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku fulisay, waxaana xukunkaas uu ka dhacay fagaaraha dugsiga Booliska ee Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase, Saalim Saciid Maxamed oo magiciisa Afgarashadu ahaa Salmaan & Axmed Maxamed Haashim oo magiciisu Afgarashadu ahaa Carab, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukun ugu riday.
Dhammaan raggaas ayaa Magaalada Muqdisho ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro, iyagoona wareysiyo kala duwan oo laga qaaday ay ku qirteen inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro ka dhacay Caasimadda dalka ee Muqdisho.