Inkastoo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble uu booqasho ku jooggo Magaalada Dhuusamareeb, isla-markaana ay weli taagan tahay xiisadda Galmudug kala dhaxeysa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya muddada uu ku sugan yahay magaaladaasi inaanu wax wada hadal ah ku dayi doonin Hoggaanka Ahlu Sunna.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa Universaltv u sheegay inaanu qorshaha Rooble ee Dhuusamareeb qayb ka ahayn in uu u kala dab qaado Galmudug iyo Ahlu Sunna.
“Haba yaraatee wax la xiriira arrinta Ahlu Sunna Waljameeca maanu Ra’iisal Wasaaruhu u tegin Magaalada Dhuusamareeb. Arrimo ugu muhiimsan midda doorashada ayuu u tegay magaaladaasi.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan.
Waxa kaloo uu yiri “Waa laga yaabaa siyaasiyiinta xil raadiska ah ee ku qulqulaya magaaladaasi inay Ra’iisal Wasaaraha ka codsadaan bal inuu hoos u fiiriyo tabashada Ahlu Sunna, laakiin safarkiisa Dhuusamareeb arrintaa ayada ah qayb kama ahan.”
Iyadoo Hoggaanka Ahlu Sunna ay si weyn u daneynayaan in xubno ku yeeshaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa haddana muuqata in Villa Somalia iyo Madaxtooyada Galmudugba ay taasi ka biyo diidan yihiin. Tani ayay dadka deegaanka qaarkii dareen ka muujinayaan in isku dhacyo hor leh ka abuurto Galmudug.
Ahlu Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayaa door muuqdo ku laheyd labadii xilli doorasho ee ugu dambeysay ee dalka laga qabtay, sanadihii 2012 iyo 2016.
Ra’iisal Wasaare Rooble oo aan wada hadal ku dayi doonin Ahlu Sunna
previous post