Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb written by Warsan Radio 11/05/2022 Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isaga oo kulan deg deg ahaa la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda Soomaaliya.Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorsheynaya in ay Dhuusamareeb soo weeraraanCol. Xasan Jaamac, ayaa sidoo kale amar buuxa siiyey Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga oo la farey in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Caasimada looga difaaci lahaa kooxaha duulaanka ku ah.Shirkan deg dega ah oo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dhaq djaqaaqyo Ciidan duleedka degaanka Bohol ka wadeen xoogagga Ahlusunna Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb was last modified: May 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay arrin uu Putin damacsanyahay next post Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho You may also like Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/02/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 18/10/2021 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 9AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 13/11/2017 Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay muddo kordhinta loo sameeyay 12/04/2021 DHAGEYSO:-WARKA HAEN EE IDAACADA WARSAN WAXAA CAAWA IDIN SOO GAARSIINAYSA SHUKRI BIDHAAN DHAGEEYSI FIICAN 15/12/2016 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/09/2021 Sawiro: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Garoowe (54-aad). 24/12/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 06/09/2021 Dowladda soomaaliya oo diiday in la baaro tacadiyada xuquuqda aadanaha oo ay geeysatay itoobiya. 18/12/2021 Hoggaamiyihii Al-Qaaacida ee Waqooyiga Afrika oo la dilay 06/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.