Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb written by Warsan Radio 11/05/2022 Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS Col. Xasan Jaamac ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, isaga oo kulan deg deg ahaa la qaatay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda Soomaaliya.Saraakiisha uu taliyaha la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor, waxaana ka wada hadleen Amniga Guud ee Dhuusamareeb.Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga xoogaga Ahlusunna ee qorsheynaya in ay Dhuusamareeb soo weeraraanCol. Xasan Jaamac, ayaa sidoo kale amar buuxa siiyey Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga oo la farey in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Caasimada looga difaaci lahaa kooxaha duulaanka ku ah.Shirkan deg dega ah oo Saraakiisha Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS ay ku yeesheen Magaalada Dhuusareeb ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay dhaq djaqaaqyo Ciidan duleedka degaanka Bohol ka wadeen xoogagga Ahlusunna Saraakiisha Ciidamada DFS & kuwa ATMIS oo shir deg deg ah ka yeeshay Amniga Dhuusamareeb was last modified: May 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay arrin uu Putin damacsanyahay next post Qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho You may also like Qarax ka dhacay degmada Afgooye & khasaaro ka dhashay 30/05/2022 Dhageyso:-Gudoomiye Mursal oo Sharci daro ku tilmaamay Xariga loo geestay Musharax Roobow. 15/12/2018 Isbuurasho ka dhacday Dalka Indonesia oo sababtay dhimashdii ugu badneed 02/10/2022 Dadka ku dhintay daadadka ka soo rogmaday biyo xireenka dumay ee Ukrayn 18/06/2023 Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo soo saartay amaro lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19 14/03/2021 URURKA CILMI-BAARAYASHA SOMALIYEED (SRA) OO CILMI-BAARIS KA SAMEYAY Takoorka Dadka La Nool HIV/AIDS Somalia Ka Dhanka ah 24/01/2021 Maxkamada Gobolka Banaadir oo u Fadhiisatay Dhageysiga 2-aad Dacwad Heysto Shaqaalle Wasaaradda Caafimaadka Ah 30/06/2020 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 17/02/2022 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddiga Amniga Koonfur Galbeed 10/01/2023 Ururrada Bulshada Rayidka ah oo sharci darro ku tilmaamay tallaabooyin ay qaadeen Golaha Wasiirrada 01/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.