Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni written by Warsan Radio 15/05/2022 Codeynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka billaabatay Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayada oo ay u tartamayaan in ka badan 30 musharax.Waxaa musharaxiinta ka mid ah madaxweynaha xilka haya Maxamed Cabdullaahe Farmaajo iyo madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa furay doorashada, isaga oo sheegay inay joogaan 329 xildhibaan oo isugu jiray xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbaya afarta musharax ee ugu codadka badan. Haddii musharaxa afaraad iyo shanaad ay isku cod noqdaan, waxay labaduba u gudbayaan wareegga labaad.Musharaxa hela laba meelood saddex meel codadka wareegga labaad ayaa ku guuleysanaya tartanka doorashada madaxweynaha. Haddii aanay sidaas dhicin, waxaa wareegga ugu dambeeya u gudbaya labada musharax ee ugu codadka badan.Wareegga ugu dambeeya ayaa waxaa lagu kala baxayaa cod dheeri, waxaana xilka madaxweynaha ku guuleysanaya musharaxa ugu codka badan.Ciidamada Midowga Afrika ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayaa sugaya amniga goobta ay doorashadu ka dhaceyso, waxaana caawinaya ciidamada booliska Soomaaliya.Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya. Toos: Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Afisiyooni was last modified: May 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalo katirsan Mareykanka next post Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo u soo gudbiyay wareegga ugu dambeeya You may also like Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir 03/07/2020 SAWIRO:-Sidee Guddoomiyaha Golaha Shacabka loogu soo dhaweeyay degmada Xudur? 12/12/2022 Dhageeyso:-waxaa Habeenkii 17 anaad si toos ah usocda barnaamijkii Tartan Aqooneedka Radiyaha Warsan Baidao 15/06/2017 Guddoonka baarlamaanka oo kulan ku saabsan Amniga doorashada la qaatay howlgalka ATMIS 14/05/2022 Dhageyso:-Ganacsatada Baydhabo oo ka hadashay dib u dhaca doorashada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Dowladda ay keentay Baydhabo. 03/12/2018 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 27/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 10/08/2020 Dhagaysiga dacwadda loo haysto ninkii muslimiinta badan ku laayay New Zealand oo maanta bilaabanayso. 24/08/2020 Somaliland oo Maanta siideysay qaar kamid ah Wariyeyaashii xirnaa 19/04/2022 Jubbaland oo ay sheegtay in ay kor dhineyso la dagaalanka Al-Shabaab 23/02/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.