Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir written by Warsan Radio 18/05/2022 Booliska Dawlad Gobolleedka Galmudug, ayaa sheegay in sababta ay u doonayaan in la soo xiro 36 qof oo ka tirsan saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu kujiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay tahay, sidii loogu maxkamadeyn lahaa dambiyo ay sheegeen inay ka galeen dadka reer Galmudug.Ururka Ahlu-Sunna ayaa dagaal hubeysan kula jira maamulka Galmudug, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay weeraray magaalada madaxda Dhuusamareeb halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamullada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.“Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni” ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo BBC-da la hadlayay.Taliyaha wuxuu sheegay in haddii ay gacanta kusoo dhiggaan raggan ay raadinayaan oo uu kamid yahay Sheekh Shaakir in caddaalladda ay horgeyn doonaan. Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir was last modified: May 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida next post Dhegeyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Mahad Salaad oo loo Magacaabay Agaasimaha NISA 26/05/2022 VIDEO Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo Baydhabo Laga Xusey 01/05/2018 Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo la kulmay danjiraha Ingiriiska ee Addis Ababa 23/08/2023 Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay xuska 26ka June “SAWIRRO” 26/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/01/2020 Ciidanka DANAB oo howlgal ka fuliyay degaanka Ceelbaraf 28/06/2022 Kal-fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka oo Maanta furmaya & MW Xasan oo khudbad jeedinaya 25/11/2023 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 26/02/2019 DHAGEEYSO:-WARKA FIIDNIMO EE IDAACADA WARSAN. 11/08/2019 Dowlada Shiinaha oo la tacaaleysa xaalad daran oo ka dhalatay isbaddelka cimilada. 07/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.