laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow written by Warsan Radio 31/05/2022 Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Magaalada Dhuusamreeb ee Caasimadda Galmudug ayaa bilaabay inay siweyn u adkeeyaan Amniga Magaalada halkaas oo la filayo in uu dhawaan tago wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Magaalada lagu dhex wato Gaadiid leh muraayadaha Madow ee (Bensalka), isla markaana uu kamid yahay waxyaabaha ay la dirirayaan.Waxaa uu sheegay in Gaadiidka leh Muraayadaha Madow ee Bensalka uu yahay mid lagu fuliyo falalka Amni darro sidoo kalena loo adeegsado waxyaabaha maanka dooriya oo dhibaato ku haaya Dhalinyarada Soomaaliyeed.Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Magaalada Dhuusamareeb Dhamme Najiib Xersi Dhoore wuxuu hadalkiisa uu in taasi ku daray in Gaadiidkii lagu arko muraayadaha Madow Maanta laga hilaabo tallaabo laga qaadi doo o, sidoo kalena sida Al-Shabaab oo kale ay ula dagaalami doonaan dadka isticmaala & kuwa ka Ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.Amarkaan kasoo baxay laamaha Amniga ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu tago Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. laamaha Amniga oo Dhuusamareeb ka mamnuucay Gawaarida Muraayadaha Madow was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Garoowe next post Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray You may also like VIDEO 500 oo Qoys oo Danta Yar ah Degan Tuulada Buulo Barako oo Masaafo 50 kiilo Mitir Dhanka Konfured Kaga Began Magaalada Baydhabo 28/03/2017 Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Shaqada XFS oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo 05/11/2021 Dhageyso:-Dhalinyaradii ka soo jeedey Deegaanada KGS ee joogay Magaalada Baran ayaa waxaa loogu darey Mudo 10 maalmood 06/07/2017 Israa’iil oo duqayn ku dishay Shacab Falastiniyiin ah 23/02/2023 Axmed Madoobe Oo Ballan Qaad U Sameeyay Dhalinyarada Degmada Dhoobley 27/06/2022 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/11/2021 Tirada Dadka Laga Helay COVID-19 Ee Puntland Oo Korortay 03/05/2020 Madaxweyne Biden Oo Ruushka U Diray Digniin La Xiriirta Dagaalka Ka Socda Ukraine 17/09/2022 Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wakiilka gaarka ah ee QM ee Soomaaliya 18/05/2022 Wararkii ugu dambeeyay Shaqaaqooyin ka taagan Falastiin 10/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.