Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar written by Warsan Radio 31/05/2022 Maxkamad ku taalla waddanka Masar ayaa Axadii xabsi dheer ku xukuntay musharrixii hore ee madaxweyne Abdel Moneim Aboul Fotouh iyo dhowr qof oo kale oo caan ah oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, iyadoo lagu soo eedeeyay inay qorsheynayeen inay afgembiyaan dowladda.Aboul Fotouh, oo ku jira da’da 70-ka, sida laga soo xigtay qoyskiisa ay la ildaran xaalado caafimaad, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah oo racfaan uu ka qaadan karo, sida uu dhigayo go’aanka maxkamadda.Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in kumannaan siyaasiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada, iyo saxafiyiin lagu xiray Masar kadib maxkamadeyn caddaalad darro ah ama aan sharci aheyn.Aboul Fotouh ayaa ka baxay ururka Ikhwaanul Muslimiin sanadkii 2011 kadib markii la isku khilaafay doorka diinta ee siyaasadda wuxuuna aasaasay xisbiga Strong Masar, isagoo bilaabay olole madax-banaan 2012-kii.Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa markii dambe ku eedeysay inuu la kulmay madaxda Ikhwaanul Muslimiinka si uu qalalaase u kiciyo, taasoo uu beeniyay.Waxaa la xiray bishii Febraayo 2018 kadib markii uu bixiyay waraysiyo uu si weyn ugu dhaliilay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, bil kahor intaan Sisi dib loo dooran. Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo next post Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Sacuudiga? You may also like Dhageyso Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/09/2021 Dad ku dhintay Shil ka dhacay inta u dhexeysa Jig-jiga iyo Wajaale 15/08/2023 Madaxweyne Deni Oo Maanta Hortegaya Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland 17/04/2021 Dibadbaxyo waaweyn oo ka bilowday Mareykanka kadib markii ay booliska toogteen nin madow ah 24/08/2020 Ciidamada dowladda oo la sheegay inay qabteen Madaxii qaraxyada ee Aaga Camaara 14/02/2023 Farmaajo oo u hambalyeeyay Madaxweynaha Faransiiska ee guuleystay 25/04/2022 Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay Gobolada Sh.Dhexe iyo Galgaduud 20/12/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 25/10/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 13/06/2021 Malala Yousafzai oo la guursaday 11/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.